SABUURRADII. 130. Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka. Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga. Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow? Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed. Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa. Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa. Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan. Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.